Friday, August 1, 2025

Xasan Sheekh & la-taliyeyaashiisa oo kulan gaara Madaxtooyada kula yeeshay Wakiilka Midowga Afrika

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula yeeshay  xarunta madaxtooyada Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, kulankaasi looga hadlay fulinta go’aanadii kasoo baxay shir madaxeedkii Jabuuti ee dalalka ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Arrimaha ugu waaweyn ee la fulinayo waxaa ka mida  xoojinta iskaashiga, qalabeynta, isku-dubbaridka iyo tayeynta hawlgallada ciidammada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM si dagaal wadajir ah loogu qaado kooxda Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh  iyo wakiilka Midowga Afrika ayaa go’aamiyay in la dhiso  guddi si degdeg ah u howlgeli doona sidii loo qiimeyn lahaa fulinta qodobadii shirka  iyo hawlgallada AMISOM iyo ciidammada milateriga Soomaaliyeed.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa la taliyaha Madaxweynaha arrimaha difaaca iyo amniga Gen.  C/raxmaan Sheekh Ciise, la taliyaha madaxweynaha Arrimaha siyaasadda  Dr. Aweys Xaaji Yuusuf, qaar ka mid ah taliyeyaasha ciidammada Soomaaliya, AMISOM, iyo mas’uuliyiin kale.

SAWIRRO

123unnamed (1)

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON