Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa’id oo wadajir ah ay wada qabteen madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa ku dhaliilay dowladda Federaalka Somalia inay kalsooni ka heysan shacabka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in kalsoonni darrada taagan ay keentay inay fogaato Puntland, isla markaana aan la heyn Jubbaland, haddii sidan lagu socdo ay tegi doonaan maamul Goboleedyada kale, wuxuuna madaxda dowladda Somalia uga digay inay fogeyn siyaasiyiinta iyo madaxda maamullada oo aysan ku qasbin inay ajnabi taageero u raadsadaan, haddii ay taasi dhacdana ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan madaxda maanta joogta.
Shirka jaraa’id ee Xasan Sheekh ayaa ku baaqay in la furo siyaasadda, dadkana la dareensiiyo in siyaasadda ay wax ku leeyihiin. laakiin aan qol la isku soo xirin oo koox gaara aysan is laheysiin. “Afka la iskama qaban karo.. kalsooni siyaasadeed waa in la abuuro, haddii aan kalsooni la helin Jubbaland lama arki maayo, Puntland lama arki doono, Galmudugna waxa kasoo baxaya wax fiican noqon maayaan,, kuwa kale ee joogana masii fiinaan doonaan..” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inay rabaan dowladnimo la wada leeyahay.
“Dowladda Federaalka Sooamaaliya waan ku celinayaa dadka ay dowladda u tahay marjinta haka deyso..” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo meesha ka saaray in wax horumar ah laga sameeyay horumarinta dhaqaalaha.
“Shalay markaan joognay waa nala dhaliili jiray.. waxaan ka hadalnay waa nidaamka dowladnimo, madaxweynaha maanta ayaa na dhaliili jiray wixii uu sheegi jiray waa keydsan yihiin… farqiga waxa waaye dhaliisha ayaa maanta la diidan yahay.” ayuu yiri Xasan Sheekh oo sheegay inay fursad siiyeen dowladda balse aysan fiirsan karin nidaamka dowladda hadda jira oo wax badan ka khaldan yihiin.