Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay munaasabadda maalinta calanka, isagoo baaq u diray dadka Soomaaliyeed.
“Maanta oo ah 12 October, waxay ku asteeysan tahay maalintii ugu horreeysay ee Calankeenna Soomaaliyeed gayiga laga taagay, Sannadkii 1954tii. Waa maalin inaga mudan xusuus iyo weyneeyn sidaa darteed, waxaan dhammaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa maalintaan qiimaha innoo leh..” ayuu yiri Xasan Sheekh oo farriin soo diray.
Wuxuu intaas ku daray in Calanka ay naftooda u soo hureen halyeeyo Soomaaliyeed, loona baahan yahay in muhiimadiisa dhowrno islamarkaana ilaalino, “Waa inaan kana shaqeeyno Qarannimada iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed…” ayuuna sii raaciyay.
Xasan Sheekh ayaa dadka Soomaaliyeed Alle uga baryay Soomaaliya oo mid ah, xasilloon, hiigsatana horumar baaxad weyn.