Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku usgan Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu ka qeyb galayo doorashada dalka ka dhici doonto aakhirka sanadkan 2016.
Isagoo wareysi siiyay VOA, ayuu sheegay inuu la imaan doono Qorshe Cusub oo doorashada uu ku geli doono, isla markaana soo bandhigi doono qorshihiisa sidii doorashadii hore ee 2012 uu ula yimid Lixdii tiir oo uu sheegay inay wax badan ka qabsoomeen.
DHAGEYSO MUSHARAX XASAN SHEEKH
Goobjooge.com