Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa go’aansaday inuu arrin taariikhi sameeyo inta aanay ka dhammaan muddada sharciga ah ee uu xilka hayo ayna ka harsan tahay muddo 5 maalmood oo qura.
Shir madaxeedka IGAD ayaa markii ugu horeysay lagu qabanayaa magaalada Muqdisho, waxaana madaxtooyda ay shaacisay in shirkaasi oo dhici doona 5-ta September ay madaxweynayaasha dalalka IGAD ku shiri doonaan caasimadda Soomaaliya markii ugu horeysay.
Warkan waxaa faafiyay afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys Jaamac kadib markii ay Muqdisho ku soo laabeen wafdigii madaxweynaha oo ka qeyb galay shirkii aan caadiga ahayn ee Adis ababa oo madaxda IGAD ay uga hadleen arrinta koonfurta Suudaan.
Lama oga sida shirkaasi u qabsoomi doono iyo madaxda ka qeyb geli doonta laakiin waxay noqon doontaa haddiiba ay suuragasho mid taariikhi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ka codsaday madaxda IGAD inuu shirkooda marti geliyo.
Waxaa sidoo kale madaxda IGAD ay go’aamiyeen in shir madaxeedkooda caadiga ah ee sannadlaha ah bisha soo socota ee September horaanteeda lagu qabto magaalada Muqdisho. Daa’uud Aweys
Xasan Sheekh ayaa ku dagaalamay inuu sii ahaado madaxweyne inta ay ka dhaceyso doorashada madaxdweynaha oo hadda la qoondeeyay inay dhacdo 50 maalmood kadib marka waqtigiisu dhammaado.
Goobjooge.com