Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle
ee Gobalka Shabeelaha Hoose oo hadda ah saldhig lagu tababaro Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kana howgalaan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka.
Madaxwaynaha waxaa safarkiisa ku wehliyay taliyaha Xoogga Dalka Somaliyeed iyo Taliyaha Ciidanka Cirka iyo sarakiil akle, waxaana la sheegay inuu tababar ugu soo xiray Cutubyo ka tirsan Kumaandooska Xoogga Dalka Somaliyeed oo in muddo ah tababar uga socday saldhiggaasi, isagoo halkaasi khudbad ka jeediyay.
Ciidamadan dhameystay tababarka ayaa la sheegay inay carbiyeen ciidamo Mareykanka ah, saldhiggan ayaa sidoo kale hore loogu tababaray cutubyo ka tirsan Kommaandooska DANAB, kuwaasoo qeyb ka qaatay la dagaalka Al-shabaab, isla markaana fuliyay hawlgallo nooc cusub ah.
Goobjooge.com