Wednesday, July 2, 2025

Xasan Sheekh oo caawa u dabaaldegaya sanadguuradii 3aad ee doorashadiisa (Xaflad Villa Somalia)

Xaflad loogu dabaaldegayo sanadguuradii 3-aad ee doorashadii xilka madaxweyne loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa caawa ka socota magaalada Muqdisho, iyadoo xafladda loogu talogalay inay xalay dhacdo ay dib ugu dhacday caawa.

Xasansheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadda khudbad ka jeedinaya xafladaasi iyadoo si toos ah looga daawanayo TV-ga Qaranka, waxaana goobta la suray boor weyn oo ay ka muuqato waxqabadka madaxweynaya oo  lagu soo koobay:

  1. Ka gudubka Kumeelgaarkii
  2. Xiriirka Caalamiga ah oo la horumariyay
  3. Dhismaha dowlad goboleedyada
  4. Xoojinta ammaanka dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dad badan aaminsan yihiin in balanqaadkiisii lixda tiir wax badan aanay ka qabsoomin ayaa khudbadiisa caawa waxay ahayd mid muxaadaro ah oo waqti dheer uu ku qaatay iyadoo aanay xamaasad badan ka muuqan dadka xaflada lagu casuumay marka laga reebo haweenka gobolka Banaadir oo goobta shidayay.

Xasan Sheekh wuxuu ku dooday in lixdii tiir uu mid waliba wax ka qabtay, laakiin la dhihi karo inaan la wada qaban. Wuxuuna ku adkeystay in mid kasta wax laga qabtay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON