Gudoomiyaha Xisbiga UPD xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in xaaladda dalka xilligan marayo ay tahay is-caburin iyo cabsi ay dadka qaarkiis ku doodayaan in loo baahan yahay dowlad dadka gacan adag ku qabata.
Madaxweynihii hore oo la hadlayey dhalinyarrada xisbigiisa ayaa yiri: “Dadka qaarkiis ayaa maanta waxay leeyihiin dowlad xoog badan oo gacan adag ku qabato dalka ayaa loo baahan yahay.! Dowlad xoog leh oo noocaas ah waan soo marnay waxaana ka dhaxalnay waxa maanta jooga. Waxaan u baahanahay dowlad qaanuun iyo shuruuc adag leh ee uma baahnin shaqsiyaad gacan adag dadka ku qabta” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.
Wuxuu kaloo cambaareeyay siyasadda dowladda ee ku dhisan ceyrinta iyo eedeynta dunida kale, taasoo uu sheegay inaysan is qaban karin in Soomaaliya dunida oo dhan dadkeeda laga soo dhoweeyo iyaduna ay sidaasi u dhaqanto.
HOOS KA DAAWO