Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku jira maalmihii ugu danbeeyay ee nolishiisa Madaxtooyada Villa Somalia, isagoo ka tegi doona magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore oo looga guuleystay tartankii madaxweynaha ayaa la sheegay in socdaalkiisu ku wajahan yahay dalalka Tanzania iyo Turkiga oo qoysaskiisa ay degan yihiin.
Madaxweynayaashii xilalka banneeyay ayaa dhammaantooda degaan ka dhigtay dalal dibadda ah, iyadoo aanu jirin madaxweyne ku negaaday dalkiisa kadib markii uu xilka wareejiyay.
Xasan Sheekh ayaa dib ugu soo laaban doono magaalada Muqdisho muddo kooban oo nasiino la qaadan dooni qoysaskiisa, waxaana la sheegay inuusan ka harin arrimaha siyaasadda.
Goobjooge.com