Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qodob halis ku ah doorashada 2016 oo uu musharax u yahay, qodobkaas oo ah inuu yeesho saxiixa ugu danbeeya ee ansixinta xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamaanka.
War murtiyeedka Madasha Qaran ee xalay soo baxay waxaa ka mid ahaa:
Marka Guddiga Heerka Federaal ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ay ku dhawaaqaan natiijada kama dambeeysta ah ee liiska 275-ta xildhibaan waxaa kama dambeeynta saxiixaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda isaga oo ku soo saaraya faafinta rasmiga ah.
Heshiiskii hore ee madasha ayaa waxaa ku jiray in saxiixa xildhibaanada aqalka sare ay yeeshaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada, taasoo si weyn looga qeyliyay, waxaana hadda muuqata in madaxweyne Xasan Sheekh uu arrintan ka hoos bixiyay madaxda madasha Qaran.
Goobjooge.com