Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay go’aan cabsi badan laga qabay oo ku saabsan muddo kororsi loo sameeyo dowladda Federaalka Soomaaliya.
Isagooka hadlayay barnaamij laga sii daayay Raadiyaha iyo TV-ga dowladda wuxuu Xasan Sheekh xaqiijiyay inay doorasho ka dhici doonto dalka waqtigii loogu talo galay oo aanay jiri doonin wax muddo kordhis ah.
Beesha caalamka ayaa walaac weyn ka qabtay dib u dhac ku yimaada doorashada 2016, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh ku doodayaa inaan waqtigaasi laga dib dhici doonin.
Xukuumadda Cumar C/rashiid ayaa hore u soo jeediyay inay dhowr bilood u baahan tahay si doorashada loo qabanqaabiyo.
DHAGEYSO MADAXWEYNAHA
Goobjooge.com