Monday, June 23, 2025

Xasan Sheekh oo xaal marin & raaligelin siiyay Nabadoon caana oo ka horjeestay in dib loo doorto

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda olole ugu jira in dib loogu doorto xilka

ayaa xaal marin iyo raaligelin isugu daray Nabadoon caana oo xurguf soo kala dhex gashay dhowr jeerna xadgudub ka tirsaday.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu lacag xaal marin ah oo mug leh iyo raaligelin siiyay Nabadoon C/llaahi Geedi Shadoor  oo tan iyo dhismihii maamulka Galmudug khilaaf weyn ka dhaxeeyay, isla markaana waday qorshe ka dhan ah in din loo doorto Xasan Sheekh.

Ad

Xaalmarinta ayaa timid kadib markii madaxweynaha loo sheegay inaysan suuragal ahayn beeshiis oo kala qeybsan inuu tartan madaxweyne mar kale galo, taasoo keentay inuu lacag badan ku harqiyo Nabadoon C/llaahi Geedi Shadoor, halkaasin si kumeelgaara lagu soo afjaray xurguftii labada nin.

Xaflad shalay lagu taageeray Musharaxnimada Xasan Sheekh si mar kale xilka loogu doorto ayuu kasoo muuqday Nabadoon C/llaahi Geedi.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON