Xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Sheekh Mukhtaar Roobow ay wax badan uga dhiman yihiin inuu siyaasad galo oo xilka k/Galbeed u tartamo.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dastuuri ahaan uu xaq u leeyahay Mukhtaar Roobow inuu tartamo, laakiin arrinta weyn ee hortaalla ay tahay inuusan weli caddeyn ka bixitaankiisa Alshabaab oo aysan dhammeystirneyn,
“Mukhtaar waa inuu is caddeeyo.., fikradda shabaab inuu diidan yahay waa inuu sheegaa.. wiilashiiisii weli halkii ayey jireen, waxaan qabaa inay wax uga dhiman yihiin inuu xilligan siyaasadda u soo istaago iyo doorasho…” ayuu yiri Xasan Sheekh oo mowqifkiisa ku taageray mowqif ay hore uga qaadatay xukuumadda Soomaliya.
DHAGEYSO XASAN SHEEKH