Dilaagii weriyaha Xasan Xanafi Xaaji C/salaan oo dhowaan Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ay ku riday xukun dil toogasho ah ayaa rafcaan ka qaatay xukunkaasi, waxaana maanta dacwadiisa u fariisatay Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida.
Fadhigii maanta ee Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sidda waxay dhageysatay dacwadii loo heystay Xasan Xanafi Xaaji, rafcaankii uu ka qaatay iyo kiiska uu ku eedeysan yahay.
Dhageysiga Rafcaanka Xasan Xanadi kadib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka sida, G/Sare Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay kiiska, isla markaana fadhi kale ay Maxkamadda sare ee ka yeelan doonto.
Xasan Xanafi ayaa dad badan rajo ka qabeen in degdeg loo toogto, waxaana rafcaanka uu qaatay la filayaa inuusan waxba ka bedeli doonin xukunkii hore ee maxkamadda darajada koowaad oo isla dilkii dib loogu xukumi doon0, maadaama uu galay dembiyo waaweyn.
Goobjooge.com