Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dhoweyd ka guuray Hotelka Maa’ida ee u dhow Fagaaraha Daljirka Dahsoon.
Labada Madaxweyne hore oo ka mida Musharixiinta Mucaaradka oo uu wehliyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa deganaa Hotelka Maa’ida, iyagoo xalay ay halkaasi ku weerarreen ciidamada dowladda ee kumaandooska gorgor oo qabsaday Taallada Daljirka Dahsoon.
Wararka ayaa sheegaya inay dib ugu laabteen xarumaha ay ka degan yihiin magaalada, iyadoo ay galbinayaan ciidamo ilaalo u ah. Waxaa lagu wado inay kulan Galabta isugu yimaadaan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha, kadib markii bannaanbixii ay ku baaqeen uu Madaxweyne Farmaajo u adeegsaday awood ciidam oo rasaas loo adeegsaday dadkii isku soo baxay.
