Friday, June 27, 2025

Xeer ilaalinta oo 24 sacadood la siiyay & Dacwadii C/raxmaan C/shakuur oo dib u furmeysa Berrito

Guddoonka Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in xeer ilaalinta ay muddo 24 saacadood ah ku keento caddeymaha ay u heysto eedaha ay ku soo oogtay siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Xeer ilaalinta Qaranka ayaa markii maxkamdda lasoo taagay ku eedeysay Siyaasiga eedo ay ka mid yihiin Shirqool dowladeed iyo u adeegidda dano shisheeye si khalkhal loo geliyo xasiloonida dalka, isagoo abaabulay shir iyo fadhiyo, waxaana ay codsatay in la siiyo muddo 5 maalmood ah oo ay ku soo dhameyso baaritaanka ay wado.

Qareenka u doodayay C/raxmaan C/shakuur ayaa difaacay siyaasiga wuxuuna sheegay in dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee uu sameeyay uu xaq u siinayo dastuurka, isla markaana weerarkii lagu qaaday gurigiisa iyo dadkii lagu laayay ay tahay dembi kale.

Maxkamadda ayaa ogolaatay in muddo 24 saacadood oo kaliya ay maxkamadda ku hor keenaan caddeymaha ay u hayaan kiiska eedeysanaha C/raxmaan C/Shakuur, isla markaana uu sii xirnaado mudadaas.

Beri Galab ayaa lagu wadaa in dib loo furo maxkamadda iyadoo xeer ilaalinta la sheegay inay shaqo adag u taallo, inkastoo maanta aanay dooneyn inay caddeymaha oo dhan soo bandhigto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON