Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleyman Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyey cidda ka dambeysay rasaas galabta ka dhacday agagaarka Guriga uu degan yahay madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif, agagaarka Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Xeer ilaaliyaha ayaa beeniyay in weerar lagu qaaday Guriga Sheekh Shariif sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga Himilo, wuxuuna intaas ku daray in gaari ay leeyihiin ciidamada Booliska oo isaga ilaalo u ah uu riday hal xabad, markii laba gaari oo yaryar ay wadadda ku xireen, wax intaas ka badanna aysan meesha ka dhicin.
“Gaariga la sheegay in uu Xaabad huwiyay ilaalada Madaxwaynihii hore Mudane Sheekh Shariif, waa gaari Police ah oo ilaaladayda saarnaynd. Labo gaari oo yaryar oo wadada ku sheekaysanayay, wadadana xirtay kadibna gaarigii Police sanka u soo galiyay gawaaridooda ayaa keentay halka xabo ee dhacday. Waxaa caddaynayaa wax intaas ka wayn inaysan jirinin cid weerartay ilaalada Madaxwayne Sheekh Shariifna aysan jirinin…” ayuu yiri xeer ilaaliyaha.
Arrintan ayaa muujineysa sida shilalka yaryar ee ka dhaca agagaarka Guriga Sheekh Shariif loogu fasiri karo weerar weyn oo lagu qaaday hoyga madaxweynihii hore iyo sida ilaalada madaxda dowladda u dhaqmaan.