Saturday, October 8, 2022

Xeer ilaaliyaha Guud oo u yeeray Wasiirkii saxiixday Heshiiska Shidaalka Shirkadda Coastline

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Betroolka & Macdanta Xukuumadda xilgaarsiinta ee Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed.

Wasiirka ayaa lagu amray inuu xafiiska yimaado maalinta Isniinta ah oo ay bishu tahay 25/04/2022, waxaana sababta lagu sheegay in wax laga weydiiyo Heshiiska uu saxiixay oo dhex maray Wasaaradda Batroolka & Macdanta iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited ee dalka Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha ayaa faray Wasiir C/rashiid oo waayey kursi xildhibaan inuu waqtiga ilaaliyo, kaasooku beegan 11:00 AM ee barqanimo.

Ad

Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa hore u sheegay in heshiis Shidaal ee uu saxiixay ay la ogaayeen raalina ka ahaayeen Farmaajo, isaguna uu u diray, halka Ra’iisul Wasaare Rooble uu ka hor yimid heshiiska.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON