Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa musharixiinta xilka madaxweynaha uga digay inay laaluush u adeegsadaan ololaha doorahsada.
Wuxuu sheegay inay tallaabo ka qaadi doonaan ciddii lagu helo musuqmaasuq xiliga Doorashada Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in xeerka ciqaabka Soomaaliyeed uu leeyahay ciqaab fara badan oo ka hadleysa qofka musuqa ku kaca.
Lama oga qaabka xeer ilaaliyaha u fulin karo arrintan iyadoo dhammaan hay’adaha dalka ay awoodoodu yar tahay isla markaana aanay lahayn karti ay Doorashooyinka wax uga qabtaan.
Hore ayaa xeer ilaalinta iyo Hanti dhowrka usoo bandhigeen 19 wasaaradood oo musuq ka dhacay, tiiyoo aanay jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday.
DHAGEYSO CODKA XEER ILAALIYAHA
Goobjooge.com