Xeer-ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir oo ka hadlay shir jaraa’id oo madaxda hay’adaha ammaanka ku qabteen Muqdisho ayaa shaaciyay inay jiraan siyaasiyiin kale oo sharciga la hor geyn doono.
Wuxuu sheega inay ku raad joogaan shaqsiyaad uu sheegay in ay ku howlan yihiin duminta Dowladnimada oo ah siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kala duwan oo ku howlan Qiyaano qaran, isla amrkaana la soo qaban doono shaqsiyaadkaasi, sharcigana la hor geyn doono.
Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa intaas ku daray inay socdaan baaritaannada lagu wado siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta ku eedeysan qaran duminta, isla markaana faahfaahin dheeraad ah ay soo bandhigi doonaan.
Arrintan ayaa ka danbeysay weerar xalay ciidamada ammaanka ku qaadeen guriga c/raxmaan C/shakuur oo hadda u xiran ciidamada dowladda Soomaaliya, kuna eedeysan abaabulka fal dembiyeed.