Wararka laga helayo degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay halkaasi ka taagan tahay xiisad ka dhalatay maamul Hirshabeelle u magacawday degmadaasi oo ay ka hor yimaadeen odayaasha iyo qaar ka mida dadka degaanka.
Bannaanbax lagu diidan yahay maamulkaasi iyo wafdi la sheegay inuu tegayo magaalada oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle. ayaa saaka ka dhacay degmada Buuloburte, waxaana ciidamada AMISOM ay xabsiga dhigeen saddex ka mida odayaasha degmada oo hoggaaminaya diidmada maamulka Hirshabeelle.
Qof ayaa ku dhintay markii ay rasaas ku fureen ciidamada AMISOM dadweyne bannaanbax rabshado wata ka dhigay xarun ay ku leeyihiin magaalada Buuloburte, waxaana la sheegay in dhowr kale ku dhawacmeen.
Mid ka mida odayaasha la sheegay inay ciidamada Jabuuti ee AMISOM xireen Cali Cumar Qaansaweyne ayaa ku dooday inay Hirshabelle ku dalbatay ciidamada AMISOM, iyagoo u caddeeyey inaysan aqbaleyn Maamul ay soo dhoodhoobeen Madaxda Hirsahbeelle oo si awood ah ku keenaan degmada Buuloburte.