Thursday, June 26, 2025

Xiisad ka taagan Askari AMISOM ah oo u xiran Maxkamadda ciidamada & AMISOM oo hanjabtay [Warbixin]

Faafhaahin dheeraad ah ayaa aksoo baxaya kiis ay ku lug yeesheen ciidamada AMISOM oo mid ka mid gaari ay waten nin kirishbooy ahaa ku jiiray Isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho 9 kii Bishan April.

Kolonyadii AMISOM ayaa baxsaday, laakiin waxaa dhacday in lagu qabtay Isgyska Sanca, waxaana ninka Gaariga AMISOM jiiray uu ahaa 32 sano jir lagu magacaabi jiray Cali Cismaan Abbe Sheekh, wuxuuna gaari kor maray xilli ku mashquulsanaa inuu lug ka bedelo gaarigii uu la socday.

Dadka ciidamada dowladda ayaa iska kaashaday qabashada kolonyadii AMISOM ee baxsatay,  waxaana suuragashay in gaariga shilka galay iyo dawaralkii waday la geeyo Xarunta Ciidanka ilaalada Nabadgelyada Wadooyinka (Fiisha-Taraafiko), waxaana habeennimadii la siiyay Gaarigii, iyadoo la xiray Askarigii Amisom.

Saraakiisha Ciidanka AMISOM ayaa dadaal weyn u galay inay askariga sii daayaan, waxaana qoyska ninka ka dhintay aya sheegay in AMISOM ay ku hanjabtay inay askarigeeda xoog ku furaneyso, iyadoo la sheegay inay ogoshahay lacag dhan $300 oo aaskii marxuumka ah.

Markii xaaladii kasii dartay ayaa la sheegay in Maxkamada Ciidamada ay askariga AMISOM ka tirsan u wareejisay xabsiga Dhexe, lagana wareejiyo xarunta Taraafikada, mana jiro wax xal laga gaaray arrintan.

Kiiskan ayaa ka mida shilal soo noqnoqday oop ciidamada AMISOM ku galaan magaalada Muqdisho kadibna ay baxsadaan, wuxuuna noqonayaa askarigii ugu horeeyay ee AMISOM ah oo cadaaladda Soomaaliya la marsiiyo.

Ciidamada AMISOM ayaa sharciyan dalalkooda lagu maxkamadeeya, lamana oga tallaabadda ay qaaday maxkamadda ciidamada sharciga ay u cuskatay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON