Saturday, June 28, 2025

Xiisad ka taagan Garbahaarey iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo doonaya inay xiraan Guddoomiye Kaliil

Wararka laga helayo magaalada Garbahaareey ayaa sheegaya in xiisad weyn ay ka taagan yahay magaaladaasi, kadib markii ciidamada Itoobiya iyo ciidamo taabacsan maamulka uu Axmed Madoobe halkaasi u dhisay ay dhoolatus ka sameeyeen magaalada iyagoo hub waaweyn wata.

kALIIL

Ciidamadan ayaa laga war helay inay doonayana inay gacanta ku dhigaan oo ay xiraan  Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo ku sugan halkaasi iyo guddoomiyaha degmada Garbahaarey, taasoo keentay in dadweynaha ay isu soo baxaan si ay u difaacaan guddoomiyaha.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya kuna ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay soo rogaal celiyeen, iyagoo gacan siinaya maamulka uu sheegay inuu gacan-ku-rimis yahay, wuxuuna caddeeyay in magaalada xiisad weyni ka jirto. Dadka arrintan wada ayuu sheegay inuu hormuud u yahay C\llaahi Fartaag oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubba.

Hore ayay ciidamada Itoobiya oo gacan siinaya maamulka Axmed Madoobe isugu dayeen inay xiraan Maxamed Cabdi Kaliil taasoo qas ka dhalisay magaaladaasi oo shacabka ay bannaanbax weyn uga hor yimaadeen ciidamada Itoobiya.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON