Falal Dilal oo kala duwan iyo rabshado ayaa ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle, kadib markii askari ka tirsan ciidamad Booliska Jowhar uu saaka si bareer ah u dilay nin ganacstada kalluumeysatada ah ka mid ahaa.
Dilka ninkan ayaa ka dhacay suuqa kalluunka lagu iibiyo ee magaalada Jowhar, waxaana uu yimid, kadib markii uu askariga ka dalbaday lacag lagu sheegay inay canshuur sharci darro ahayd, taasoo markii uu sheegay inuusan heynin uu askarigii rasaas ku furay halkaasina ku dilay.
Dilka ninkan ganacsatada kalluumeysatada oo lagu magacaabi jiray Yaasiin Muxumad Maxaad ayaa keenay bannaanbax rabshado wata oo looga soo horjeedo dilkiisa, waxayna dadweyne careysan isugu soo baxeen magaalada Jowhar, iyadoo rasaas ay fureen ciidamada ay ku dhawacantay gabar yar, waxaana xiisada soo dhex galay taliyah ciidamada Booliska oo dadkii la hadly.
Dhinaca kale laba qof ayaa la sheegay in si kala gaar gaar ah loogu diley magaalada Jowhar, kadib dilka uu geystay askariga ee ninka kalluumeysatada ahaa. Waxayna dadka degaanka sheegeen in qaab aargoosi ah loo dilay labada qof oo midkood oo adeegsaday Toorey.
Xaaladda magaalada Jowhar ayaa kacsan, iyadoo xiisadda ka dhalatay dilka ganacsade Yaasiin Muxumed ay hareysay magaalada.