Friday, June 27, 2025

Xiisad ka taagan magaalada Beledweyne kadib sarkaal ka tirsan UN-ka oo lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegaya xaaladda magaaladaasi  kacsan tahay saaka kadib markii dadweyne oo careysan fara badan ay xireen wadooyinka, isla markaana maleeshiyo hubeysan oo beeleed ay buuxiyeen wadooyinka.

Arrintan ayaa ka danbeysay dil shalay magaalada loogu geystay nin u shaqeyn jiray Hay’adda MINE ACTION ee Q/Midoobay oo lagu magacaabi jiray Mahdi Xasan oo dilkiisa lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen ilaalada guddoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax.

Xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana dadka ninka la dilay oo ahaa nin caan ah ay ku eedeynayaan guddoomiyaha Hiiraan inuu mas’uul ka ahaa dilkiisa, taasoo keentay xiisad beeleed iyo xaalad cakiran oo magaaladu gashay.

Magaalada Beledweyne ayaa dhowaan waxaa dagaal qaraar ku dhex maray laba beelood kaasoo keenay inay ku dhinteen in ka badan 15 ruux markii ay isku qabsadeen lacaga baad ah oo laga qaado baabuurta ganacsiga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON