Thursday, June 26, 2025

Xiisad ka taagan shaqo ka fariisiintii Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta [Akhriso Qoraal looga mamnuucay…]

Xiisadda ka taagan shaqo ka fariisin uu wasiirka warfaafinta ku sameeyay agaasimaha guud ee wasaaradaasi C/risaaq Yuusuf Bahlaawi ayaa cirka isku shareertay.

Agaasimaha hore ayaa diiday inuu xilka banneeyo isla markaana aqoonsado amarka wasiirka, waxaana uu sidoo kale diiday talo soo jeedinta  ra’iisal wasaaraha, waxaana xaaladu ay noqotay mid kacsan.

Xeer illaaliyaha Qaranka ayaa kiiska gacanta ku haya oo isna ku guuleysan waayay inuu qanciyo, waxaana la sheegay agaasime Bahlaawi oo 10 sano ku dhowaad xilka soo hayay uu awood sheeganayo.

Wasiirka warfaafinta Eng. C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa soo saaray amar looga mamnuucayo agaasimaha shaqada laga fariisiyay inuu soo galo xarunta wasaaradda.

AKHRI QORAALKA WASIIRKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON