Friday, June 27, 2025

Xiisad weyn oo ka taagan magacaabida xubnaha beelaha Digil & Mirifle uga mid noqonaya Golaha wasiirada cusub

Muranka ka taagan magacaabidda Golaha Wasiirada cusub oo ka sii daraya ayaa gaaray beelaha Digil & Mirifle kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) si weyn uga biyo diiday inuu liiska beelahaasi ku soo daro xubno hore uga tirsanaa xukuumadii la riday ee Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.

shariif-jawaari

Xubnahan oo hore u taageersanaa Shariif Xasan Sheekh, dowladaha wakiil uga ahaa shirkii lagu dhisay maamulka Koonfur Galbeed ee Shariifku ku soo baxay waxay kala yihiin:

1. Khaalid Cumar Cali (Wasiirkii dhalinyarad iyo Isboortiga)

2. Ibraahi Isaaaq Yarow (Wasiir ku xigeenkii Ammaanka Qaranka

Prof. Jawaari ayaa ku adkeynaya inaysan labadan shaqsi ka mid noqon doonin xukuumada cusub, laakiin waxaa loolan weyn uga imaanayaa Shariif Xasan oo kaliya xubnahan maahee doonaya in sidoo kale lagu soo daro golaha wasiirada Nin la dhashay oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Madeer  iyo nin kale oo ay aad isugu dhow yihiin Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen.

Loolankan u dhaxeeya Prof. Jawaari iyo Shariif Xasan ayaa maraya halkii ugu sareysay waxayna xildhibaannada beeshan qeyb ka mida ku hanjabeen inay tallaabo adag ka qaadi doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON