Wednesday, June 25, 2025

XIISADA KHALIIJKA: Fadeexad kale oo ku soo baxday Imaaraadka Carabta

Iyadoo ay bishii labaad gashay xiisadda diblomaasiyadeed ee ka tagaan Khaliijka ayaa fadeexad kale ay ku soo baxday dalk Imaaraadka Carabta.

Sida ay qortay Majallada NewYork Times Imaaraadka ayaa olole u galay in safaaradda Daalibaan ku yeelanayso dibadda laga furo Abu Dhabi, halkii magaalada Doha ee dalka Qatar ay martigelin lahayd.

Qoraal sir ah oo la faafiyay ayaa lagu sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay Mareykanka ka codsatay, kuna dhiirigelisay in Qunsuliyada Daalibaan aan laga furin magaalada Doha  ee la geeyo Abu Dhabi, sida ku cad farriin uu diray agaasimaha wasaarada arrimaha dibadda Imaaraadka Mohamed Mahmoud Al Khaja una diray Jeffrey D. Feltman oo ahaa wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mareyanka.

Safiirka Imaaraadka ee Mareykanka Yousuf Al-Cuteyba iyo madaxda isbaheysiga Sacudiga ayaa Qatar si is daba jooga ugu eedeeyay inay  taageerto argagixisada, iyadoo ku doodaya in xafiis ay Daalibaan leedahay laga furay magaalada Doha, kaasoo hadda noqday mid ay Imaaraadku olole u galay si dalkiisa looga furo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON