Xildhibaan Abshir Axmed Maxamed ayaa shaaciyay maanta inuu iska xasilay xilkii madaxa Warbaahintiisa Goobjoog.
Abshir Bukhaari ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu ku koobnaan doono xubin ka tirsan Guddiga Sare ee Warbaahinta Goobjoog, wuxuuna sabab uga dhigay inuu isu casilay inuu ka fogaado isku dhac ka imaan kara maamulka Warbaahintiisa iyo xilka Xildhibaannimo ee Aqalka Sare.
Ganacsadaha siyaasadda ka soo galay dhinaca saxaafadda wuxuu noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee loo doorto Aqalka cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, isagoo ku bxiyay dhaqaale ka badan Hal Milyan oo Doolar.
KASHIFAAD: Kursigii ugu qaalisanaa Aqalka Sare & Kharashka khiyaaliga ah ee ku baxay..!!
Wuxuu kaloo noqday Ganacsadihii ugu horeeyay ee ugu yaraan shaaciya inuu ka harayo shaqadiisii hore, taasoo aysan sameynin ganacsato badan oo ku jira Baarlamaanka.
Lama oga sida uu maamulka hantidiisa isaga ilaalin karo, laakiin qoraalka waxaa ku cad inuu weli ka mid yahay Board-ka Goobjoog Media Group oo shalay hawada geliyay Telefishan cusub, horena uga koobneyd afar idaacadood oo FM ah, kuna yaala Muqdisho.
Goobjooge.com