Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan Afaraale: “Dhulka Shabaabka ayaa nabad jirtaa, dhulkii dowladana cabsi ayaa ka jirta..”

Mid ka mida xildhibannada Baarlamaanka Federaalka oo kasoo jeeda degaanada Bay iyo Bakool ayaa sheegay inay xaalad aad u liidata ka jirto jidka isku xira Afgooye iyo Baydhaba oo ciidamada dowladda ay dhibaatooyin ku hayaan shacabka.

Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale ayaa sheegay in bishan socota ee June gudaheeda jidkaasi ay ka dhaceen falal amni darro oo ay ku lug leeyihiin dabley ku lebisan dareyska ciidamada dowladda oo kufsaday 19 haween ah, kuwaasoo 11 ka mida hal maalin la wada kufsaday.

“Dhulkii dowladda ay maamuleysay ayaa ay cabsi ka jirtaa, shacabka ma heystaan amni, dhulka Shabaabkana nabad ayaa ka jirtaa, dadkaasi waxay doonayaan inay iska hor keenaan dowladda iyo shacabka, waxaana dowladda ka codsaneynaa in arrintaasi ay wax ka qabato.” Ayuu yiri Xildhibaan Afaraale.

Qeylo dhaanta ka taagan wadadda isku xirta Afgooye iyo Baydhaba ayaa si weyn u sii korortay maalmihii ugu danbeeyay, waxaana arrintaasi looga hadlay kulan ay yeesheen Guddiga joogtada ah ee Golaha shacabka Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON