Monday, June 23, 2025

Xildhibaan C/llaahi Goodax: “Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo 12 Xildhibaan ayaa Qas ku wada Baarlamaanka..!”

Xildhibaan C/laahi Goodax Barre oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kana mida mudanayaasha ugu horeeya ee wada mooshinka ka dhanka a Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibannada Damjadiid.

Isagoo ka qeyb galayey Dood ku saabsan Mooshinka ka yaalla Guddoomiye Jawaari ayuu C/llaahi Goodax wuxuu madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu adeegsanayo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee kooxdii Damjadiid, isagoo qas ku haya Baarlamaanka.

Wuxuu  si weyn u amaanay madaxweyne Farmaajo isagoo sheega inuu dowladda horumar garsiiyey, isla markaana  uu degay Wasaaradda Gaashaandhigga isagoo wada abaabul dagaal, basle ay jiraan Xildhibaano isku dayaya inay xagal daacinta horumarka dowladda.

Ad

“Waxaa xaqiiqa ah oo shaki aan ku jirin Xildhibaano kooban oo ka tirsan nidaamkii hore ee Damul jadiid la dhihi jiray ee damacsan Xukuumaddaan inaysan maalin horay u socon, waa damiir xumo.., Xasan Sheekh xalay dad ayuu soo wacaayay oo Xildhibaano ah oo  sidaasi yeela ayuu dhahayay, dad la hadlay ayaan la sheekeystay aniga.” Ayuu yiri xildhibaan Goodax.

Xildhibaan C/llaahi Goodax oo mar wasiir kasoo noqday dowladii Xasan Sheekh ayaa xilligii danbe noqday mucaaradka ugu weyn dowladaasi, wuxuuna ku caan baxay inuu si shaqsi u weerarro madaxweynihii hore, inkastoo dad badani la yaabeen inuu weli daba taagan yahay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON