Monday, July 14, 2025

Xildhibaan C/llaahi Max’ed Nur: “Aniga kuma jiro dadka u nugul hanjabaadda, waxaana handadaad ka helay..”

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo ahaa wasiiru dowlihii Maaliyadda dowladii Xasan  Sheekh ayaa sheegay inuu helay farriimo loogu hanjabyo oo uga yimid madaxda sare ee xukuummadda Somaaliya.

Xildhibaanka oo dhinaca kale ka tirsan Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa ku dooday xilli uu ka qeyb galayey xalay dood ka baxday Telefishanka Somali Channel inuusan ka mid ahayd dadka u nugul handadaada, taasoo uu ku muujiyey inuu yahay xildhibaan hubeysan, wuxuuse caddeeyay inuu arrintaasi la wadaagi doono hay’adaha ku shaqada leh.

“48-kii saac ee la soo dhaafay waxaa isoo gaaray illaa afar farriimood oo aniga la igu handadayo, waxaana ka dambeeya madaxda sare ee xukuumadda” ayuu yiri Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur oo si weyn u difaacay warbixintii uu Baarlamanka waxba kama jiraan ka dhigay ee Guddiga Maaliyadda.

Waa markii labaad Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur uu sheegto in loo hanjabay ama la isku dayey in la dilo, isagoo hore wasaaradda Amniga ay u beenisay mar uu sheegtay in ciidamada Amniga ay rasaas ku fureen si uu u dilo, [Akhriso warkan], wuxuuna horseed u yahay xubnaha xisbiga mucaaradka ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON