Xildghibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo hormuud u ah Madal xildhibaanno la baxay Horusocod oo kala tegay, ahaana kuwii ugu horeeyay ee mucaarada xukuumadda Xasan Kheyre ayaa weerar ku qaaday guddoomiyaha Mooshinka ka yaallo ee Baarlamaanka.
Xiddig ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada wuxuu is weydiiyey: hadal kasoo yeeray Guddoomiye Jawaari oo ahaa “XILDHIBAANNOW BAARLAMAANKAADA BADBAADSO” wuxuuna yiri: Erayga Xildhibaan Baarlamaankaada Badbaaso micnahiisa mafahmin ee ma waxaa laga wadaa Mudane Jawaari aan badbaadino…?!
Xildhibaan Xiddig oo dhowaan ku biiray kooxda wada mooshinka guddoomiye Jawaari ayaa yiri: “Sida aan la wada socono xildhibaan walba waxa uu metelayaa shacab iyo degaan su’aashu waxay tahay hadii Baarlamaanku uu u burburayo shaqsi gudan waayey waajibkiisa anagu maxaan micno ah oo aan ku fadhinaa Golaha shacabka.”
Wuxuu ku dooday in Golaha shacabka uu ka weyn yahay in shaqsi loo afduubnaado, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn in shacabka la niyad jebiyo, dalkuna dib u noqon doonin ee hore loo soconayo.