Monday, June 23, 2025

Xildhibaan C/rashiid Xiddig: “Taliyaha AMISOM wuxuu si cad ula saftay Guddoomiyaha Mooshinku ka yaallo..”

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku eedeeyay gudodomiye Jawaari inuu mas’uul ka ahaa wixii shalay ka dhacay xarunta Baarlamanka.

“Shalay waxii ka dhacay Baarlamaanka waa wax dhibaato ku ah Baarlamaanka iyo shacabka somaliyeed, waxaana masuuliyadeeda qaadanaayo mudane jawaari oo Golaha soo galiyey ciidan aan La garaneyn heybtooda oo Afduubtay Baarlamaanka baaritaanaana ku socdo heyadaha Amniga ayaana soo saari doono sidey wax u dhaceen..” ayuu yiri Xildhibaan Xiddig.

Wuxuu sheegay inuu  daawaday taliya ciidamada Uganda oo ka hadlaya xafiiska Jawaari, wuxuuna yiri: “Taliyaha ciidamada AMISOM wuxuu yiri Golaha shacabka waa uu xiran yahay ilaa Laga soo afmeeraayo khilaafadka ka dhex taagan Laanta fulinta iyo Golaha shacabka, waxuuna si cad ula saftay Gudoomiye mooshin ka yaalo Baarlamaanka..”

Xildhibaan xiddig ayaa is weydiiyay: “Su’aasha taagan ayaa ah taliyuhu halkuu amarka ka soo qaatay oo uu golaha shacabka ku xiray, shacabka somaliyeed waxaan u cadeyneynaa hadaanahay xildhibaanadoodii, waxgaradkoodii iyo Odayaashoodii taliyaha Inusan Amarkaas ka heysan madaxweynaha jamahuuriyada somaliyeed Golahoodiina uu shaqsi doonaayo inuu xoog iyo Amisom ku heysto..”

Isagoo ka hadlayey qaabka uu ku socon doono mooshinka Jawaari ayuu yiri: “Mooshinkan waa sharci haday kalsoonida Gudoomiyenimo kala noqdaan 197 mudane sidaas ayuu xilka ku weynayaa haday suuragal ahaan weyso in Goloha shacabka Lagu kala baxo, waxay noqon doontaa in aan goobo kale ku qabano waana qodob dastuuri ah..”

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON