Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa beeniyay inuu isagu leeyahay bog barta bulshada ee Facebook lagu sameystay magaciisa, kaasoo lagu baahiyey warar been abuur ah.
Xildhibaanka ayaa warkan soo saaray kadib markii boggaasi saacadihii ugu danbeeyay lagu qoray warar kaal duwan oo madaxda dowladda Soomaaliya lagu weerarrayo, wuxuuna farriin uu soo diray ku yiri.
Wargelin: Waxaan ka xumahay in magacayga lagu sameystay pagekaan been abuurka ah, laguna xad gudbo ummadda Soonaaliyeed ayada oo la adeegsanayo magacayga.
Boggan ayaa waxaa adeegsada weriyeyaal iyo shaqsiyaad ku xoojinaya ololaha lagu hayo madaxda sare ee dowladda, iyadoo aad looga faa’iideysanayo xilligan ay taagan tahay xiisadda ka dhalatay xarinta siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.