Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan Cabdalla Boos: “Madaxtooyada ayaa laga soo abaabulay Weerarkii la igu dhaawacay laguna dilay Yuusuf Dirir” -FADEEXO-

Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed, ahaana Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya dowladii KMG ahayd ayaa fadeexad weyn ka dhex qarxiyay Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii uu fadhigii Baarlamaanka ka hor sheegay in Weerarkii lagu dhaawacay isaga laguna dilay Xildhibaan Yuusuf Cabdi Dirir uu ahaa mid  laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya.

boos

Xildhibaan Cabdalla Boos ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya midna uusan ka damqan waxna ka qabin dilkii bareerkaa ee lagu khaarijiyay Xildhibaan Dirir lagu isagana lagu dhaawacay.

“Weerarkaasi waxaa laga soo abaabulay Madaxtooyada Soomaaliya, waxaan rabaa guddoomiye in wax laga yiraado weerarka la igu dhaawacay ee lagu dilay Xildhibaan Dirir, anigoo ku hadlaya magaca xildhibaanada Soomaaliyeed iyo magaca Beesha Direed oo aan kasoo jeedo”ayuu si lama filaan ah u yiri Xildhibaan Cabdalla Boos.

Laakiin waxaa u jawaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) oo sheegay in baaritaankii uu weli socdo isla markaana la soo bandhigi doono wixii natiijo ah oo ka soo baxa, waxayna arrintan guux weyn ka dhex dhalisay xildhibaanada Baarlamaanka.

Kiiskan ayaa lugta la galay ciidamo milateri ah oo madaxtooyada raadkoodu galay, iyadoo ay isku maan dhaafeen Taliska ciidamada Milateriga iyo xukuumadda, Guddigii arrintaas loo saaray ayaan weli jawaab buuxda keenin inkastoo xukuumadu u qabatay muddo kooban ayna sheegeen inay xireen ciidamo.

Waa fadeexadii ugu weyneyd ee lagu eedeeyo Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la sugayaa jawaabta arrintan ay ka bixiyaan dhinacyada ay quseyso.

Dhageyso codka Guddoomiyaha Baarlamaanka oo u jawaabaya Xildhibaan Cabdalla Boos

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON