Friday, June 27, 2025

Xildhibaan Cabdi Shire: “Jawaari oo xilka laga qaado waa in lagu laabto waayadii furaha Baarlamaanka uu nin jeebka isaga heysan jiray..”

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamaca Ciyaar jecel ayaa ka hor yimid mooshinka laga keenay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanka oo ka hadlay mooshinka Jawaari ayaa sheegay  inuu yahay mid aysan ku jirin danta ummadda Soomaaliyeed xilligan. Isagoo ka codsaday Xildhibaanada saxiixay mooshinka in ay xaalada dib u eegaan iyaga oo maanka ku haya marxalada dalku ku sugan yahay.

“Dadku waa banii’aadmi, khalad waa jiri karaa ay arkaan xildhibaanada qaar in uu galay gudoomiyuhu, balse waxaa muhiim ah in aan xaqiiqada aan laga tagin. Aqoonta Jawaari uu leeyahay dhan maamul, sharci, waayo-aragnimo , maanta ma noola qof Soomali ah oo leh. Jawaari oo Gudoomiyenimada laga qaado waa baarlamaanka oo albaabada loo laabo iyo in lagu laabto waayadii baarlamaanka nin furaha jeebka isaga heysan jiray. Xigmad ( ciyaalka xaafadu sameeyeen) baa oraneysaa :” ayuu yiri Xildhibaan Cabdi Shire.

Isagoo ka hadlay shaqsiyadda guddoomiye Jawaari ayuu u jeediyay amaan iyo bogaadin, isagoo yiri “Rag baan ahay dagaal looma aadee rag dagaal gali kara ayaa la diraa..”, oo aan ula jeedo Jawaari “kabahiisa” qof hadda gashan kara nooma muuqdo (qof bedeli kara ama kaalintiisa gali kara), waa qaamuus taariikhdii Soomaaliya oo nool oo Rabbi ina siiyay ee aan ka faa’iideysano, wixii dhaliil ah ee uu leeyahay ha laga saxo. Waxaan gaar ahaan kula dardaarmayaa Xildhibaanada cusub in ay ka faa’iideystaan aqoonta Gudoomiye Jawaari”.

Xildhibaan Ciyaar jecel oo hore u sameeyay heesta “xildhibaannimooy xaal qaado”. 
ayaa sheegay in dalku xasilooni siyaasadeed u u baahan yahay, wuxuuna ka codsaday xildhibaanadda saaxiibadiis ah inay dalka u turaan maadaama wakhti adag lagu jiro.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON