Thursday, June 26, 2025

Xildhibaan C/rashiid Xiddig oo si aan la fileyn u taageeray dib u Doorashada Xasan Sheekh [Maxaa bedelay?]

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig oo dhowaan u tartamay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa si buuxda u taageeray dib u doorashada Madaxweyne xasan Sheekh Maxamuud.

Isagoo caawa ka hadlayay xaflad lagu taageerayay mushraxnimada iyo dib u doorashada Xasan Sheekh  oo magaalada Muqdisho ka dhacay ayuu sheegay inuu qof cusub madaxweyne noqdo uu keenayo dib u dhac.

“Hadii meel kale la aado dib u noqosho ayay noqoneysaa, howlihii qabyada ahaa in la dhameystiro, inaan codkeena siino Madaxweyne Xasan Sheekh, sababta aan ku siineyno waa howlaha maraya meelo la yaqaano inay sii socdaan oo aanay dib u noqon”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

Wuxuu si cad u sheegay inay codkooda siinayaan dib u doorashada Xasan Sheekh, isagoo sheegay inuusan waxba ka sheegeynin musharixiinta kale, balse codkoodu jiro dhameystira qabyada.

Xildhibaan C/rashiid Xiddig ayaa hore u sheegay inuu isbedel doonayo, kana shaqeyn doono isbedel ku dhaca hogaanka dalka, markii uu ku guuldarraystay tartankii xilka guddoomiyaha Golaha Shacabka, waxaana tani loo arkaa isbedel ku yimid xildhibaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON