Monday, July 14, 2025

Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka baxay Guddiga Baarlamaanka ee loo saaray Arrinta Qalbi-dhagax [Akhri sababta]

Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa oo ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladii hore ayaa ka cudur daartay kana baxay xubinnimada Guddiga Baarlamaaka u magacaabay loo saaray kiiskii Sarkaalka ONLF ee C/kariin Qalbi Dhagax.

Mudane Odawaa ayaa sheegay inuu ku maqan yahay safar shaqo oo dibadda ah, isla markaana aanay u saamixi karin inuu Guddigaas kala shaqeeyo arrinta loo xil saaray.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ku daray Odowaa Guddiga ka kooban 15-ka xubnood ee 15 xubnood ee loo saaray inay warbixin lagu go’aan qaato ku hor geeyaan Baarlamaanka kiiskan 10-ka bisha October.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan C/raxmaan Odowaa oo ka mida kooxda Qabyo ee Damjadiid ay saluugsan yihiin qaabka uu  arrintan u galay Guddoomiye Jawaari oo laga shaki qabo inuu heshiis hoose kula jiro Xukuumadda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON