Sunday, July 6, 2025

Xildhibaan cusub oo kusoo baxay Doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar (Natiijada)

Waxaa magaalada Jowhar goor dhoweyd lagu doortay xildhibaan cusub oo ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Kursiga HOP024 oo ahaa mid furan oo ay ku tartameen afar musharax ayaa wareegi koowaad lagu kala baxay, waxaana ku guuleystay Musharax Maxamed Axmed Beerey.

Natiijada Doorashada ayaa noqotay inay musharixiinta kala heleen codadka soo socda:

1- Maxamed Axmed Maxamed (BEEREEY) oo ku guulaystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#024 ayaa helay 59 Cod.

2- Bashiir Macalin Cali Xasan wuxuu helay 7-Cod

3- Cabdiqaadir Carabow Ibraahim wuxuu helay 7-Cod

4- Yuusuf Maxamed Xaaji Dool wuxuu helay 25-Cod

Waxaa halaabay 3-cod.

Musharaxa caawa ku guuleystay Kursiga ayaa Doorashadii hore ee 2016 looga adkaaday, markii uu la tartamay xildhibaankii hore ugu fadhiyey ee C/qaadir Carrabow oo haddana tartamay, balse helay 7 Cod oo kalia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON