Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Daahir Jeesow: “Maamulkii Cali C/llaahi Cosoble waa dhaqaaqi waayay…”

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin xil ka qaadistii lagu sameeyay madaxweynaha Hirshabeellle.

Isagoo la la hadlayay warbaahinta gudaha ayuu sheegay xildhibaan Jeesow xildhibaannada Maamulka Hirshabeelle ay ku taageersan yihiin xilka ay qaadeen Madaxweynihii Maamulkaasi Cali C/llaahi Cosoble.

“Maamulkii Cali C/llaahi Cosoble waa dhaqaaqi waayay, dadkaasi waxay u baahan yihiin maamul cusub..” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow oo sheegay in xildhibaanada Federaalka ee kasoo jeeda Hirshabeelle ay taageerayaan xildhibaannada maamulka Hirshabeelle.

Wuxuu meesha ka saaray inay iyagu qeyb ka ahaayeen mooshinka lagu riday Cali C/llaahi Cosoble ama ay lacag ku bixiyeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON