Monday, July 7, 2025

Xildhibaan Daahir Jeesow oo si aan hore loo arag u weerarray Senator C/raxmaan Faroole

Daahir Amiin Jeesow oo ka mida xildhibaannada Baaralmaankii 10-aad ayaa si aan hore loo arag ugu jawaabay Senator C/raxmaan Faroole oo shalay ka hadlay xaaladda dalka, si weyna u eedeeyay Farmaajo iyo maamul Goboleedyada taageersan.

Jeesow oo si weyn u tageersan ayaa sheegay inaan la qaadan karin inuu taageero Axmed Madoobe. “Laba lee ayay mid tahay inaad tahay nin lalaway oo da’ ah iyo inaad dowlad naceyb ku dhimaneyso, Ciidamada Dowlada Burtinle ayay soo marayaan waana lagu soo qabanayaa” ayuu yiri Jeesow.

Xildhibaan Jeesow aya ugu baaqay Faroole inuu Soomaaliya soo raaco ama sida uu yiri la keeni doono, isagoo xoriyadda laga qaaday, ayna dhammaadeen maamulladii ay dhoodhoobeen Tigreega sida uu yiri.

Daahir Jeesow ayaa hore ugu baaqay in la xiro Axmed Madoobe, wuxuuna ku caan baxay mucaaradnimada maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe.

“Faroole Illaahey ka cabso , Senaor ayaa tahay, haddii xildhibaan Puntland aad tahay kuuma jawaabeen… run haddaa sheegeyso Puntland Madaxweyne uga dhig C/risaaq Jurrile..” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesow.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON