Thursday, April 18, 2024

Xildhibaan Daahir Jeesow oo si weyn u weerarray Wakiilka Q/Midoobay iyo Beesha Caalamka

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa weerar afka ah ku qaaday Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Micheal Keating, isagoo ku eedeeyay inuu faragelin ku hayo arrimaha baarlamaanka iyo mooshinka Guddoomiye Jawaari.

Xildhibaan Jeesow oo hormuu ka ah mooshinka laga keenay Guddoomiye Jawaari ayaaa ku dooday inuu Keating meel uga dhacay madax bannaanida  Barlamaanka, wuxuuna ugu baaqay xubnaha Beesha Caalamka ay faraha kala baxaan arrimaha u gaarka ah Soomaaliya.

“Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Micheal Keating, waa Ingiriis, Xildhibaanada kala bar waxay heystaan baasaboorka Ingiriiska, mooshinada adduunka kama hadlee keena muxuu uga hadlayaa?,anaga muu rabaa maxmiyad iyo shirqool noo maleego” ayuu yiri Daahir Jeesow.

Ad

Dhowaan ayuu Micheal Keating ka sheegay shir ka dhacay magaalada London inu burburay mooshinkii laga keenay Guddoomiye Jawaari, waxaana la ogyahay in Beesha Caalamka si weyn uga hor timid mooshinka Jawaari.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON