Monday, June 23, 2025

Xildhibaan Dalxa oo qeylo-dhaan kasoo saaray tacadiyo lagu hayo Gabdhihii shaqada loogu diray Sacuudiga [Dhageyso]

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa qeylo dhaan kasoo saaray gabdho Soomaaliyeed oo shaqo loogu diray dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Xildhibaanka oo Warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay inay soo gaareen xog ku saabsan dhibaatooyin heysta gabdhihii ay dowladii hore shaqada Jaariyadnimada ugu dirtay Sacuudiga, ayna ka mid yihiin arrimo gaari kara denbiyo kufsi ka mid yahay oo aan ku bannaaneyn diinta islaamka.

Wuxuu sheegay inay welwel badan ka qabaan xaaladda heysata gabdhahaasi, wuxuuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay inaysan yareysan oo ay dabagal ku sameyso arrintan. Wuxuuna intaaas ku daray inaysan Jaamacadda carabta dalalka ka tirsan ku bannaaneyn in haween Carbeed aanay magaca khadaamad (Booyeeso) ku shaqeyn karin.

HOOS KA DAARO OO DHAGEYSO XILDHIBAAN DALXA

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON