Friday, June 27, 2025

Xildhibaan Dalxa: “Safaaradda Imaaraadka ayaa laga wadaa shirqoollada lagu hayo dowladda..” [Dhageyso]

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mida Baarlamaanka Fedeaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay Safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho ay faragelin ku heyso arrimaha gudaha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa caddeeyay in mowqifka dhexdhexaadka ah ee dowladda ka qaadatay arrinta Khaliijka uu hor u soo dhoweeyay, welina uu taageersan yahay, wuxuuna sheegay in khilaafka uu yahay mid u dhaxeeya dad walaalo ah oo aanay jirin meel  Soomaaliya ay ka geli karto.

“Maamul Goboleedyada mid waliba cudur gaara ayay qabtaa, ma aha arrin iska timid, meesha inta badan la aado waa Imaaraadka, Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ku taallo ee lagu maleegayo arrimaha ay dowladda ka warqabi weydo, kana aamustay…” ayuu yiri Prof. Dalxa oo is weydiiyay wixii ay sameyneysay dowladda Federaalka itii Imaaraadka ay heshiisyada la galeysay maamul goboleedyada.

Prof. Dalxa wuxuu ku eedeeyay in dowladda Federaalka aanay wax cabasho ah iyo war war ah kasoo saarin, iskana aamusan tahay oo iska seexatay, isla markaana aysan jirin wax maamul Goboleedyada ku saabsan oo ay u soo bandhigtay.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON