Friday, July 4, 2025

Xildhibaan Dhegdheer oo Farriin Culus u diray Hoggaanka sare ee Maamulka Galmudug [Akhriso]

Xildhibaan Cabdi Dhuxulow (Dhegdheer) oo ka mida senatoorada Aqalka sare ee kasoo jeeda Galmudug ayaa farriin u diray madaxweynaha Galmudug ee la sheegay in xilka laga qaaday Axmed Ducaake Geelle Xaaf.

Xildhibaan Dhegdheer oo ka mid ahaa xubno ka baaqday maanta socdaal ay ku tegi lahaayeen magaalada Cadaado kadib markii Xaaf uu joojiyay diyaaradihii isaga gooshi jiray Muqdisho iyo Cadaado ayaa xusuusiyay Axmed Ducaale Xaaf in Galmudug ku dhisan tahay is-ogolaanshaha beelaha kala dwan ee ku midoobay maaamulkaasi.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay xalinta xiisadda Galmudug ay ahaato mid loo dhan yahay oo loo sinnaado, taasoo ah farriin si toos ah ugu socota koox xildhibaanno ah oo tegay Cadaado, kuwaasoo qoraal hal dhinac ah soo saaray.

HOOS KA AKHRISO FARRIIN XILDHIBAN DHEGDHEER

Xildhibaan Cabdi Dhuxulow (Dhegdheer)
Xildhibaan Cabdi Dhuxulow (Dhegdheer)

“Hoggaanka sare ee Galmudug ha xusuusnaado inay Galmudug ku dhisan tahay is-ogolaanshaha beelo kala duwan, kuwaasi oo mideeyay cududdooda, caqligooda, ciidankooda iyo xikmadooda; waajibna ay tahay in talada Galmudug la baahiyo, loogana wada tashado aayaheeda si siman, loona wada -lahaado go’aannada lagu hogaaminaayo iyo kuwa xasaradaheeda siyasadeed lagu daminaayo..” XILDHIBAAN CABDI AXMED DHUXULOW

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON