Monday, July 14, 2025

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo farriin Qiiro leh ku sifeeyay Qarixii Muqdisho [Maanta waa murugo, taladana..]

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir oo hore u soo noqday Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya ayaa farriin qiiro leh ku sifeeyay Qaraxii ka dhacay Isgoyska Zope ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa waxa dhacay ku tilmaamay arrin aan hore loo arag oo intii uu dalku joogay aanu arag, isagoo tilmaamay qaabkii ay goobta ugu sugnaayeen dadkii qaraxa lagu laayay.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA FAARAX C/QAADIR

Inkastoo aan dalka ku noolaa, goobjoogna u ahaa dhacdooyin badan oo naxdin leh, oo qaarkood ay ku nafwaayeen xubno qoyskayga ah, waxii shalay dhacay wax la mid ah ima soo marin.
Waxaan aad uga fogaa isgoyska zoppe oo aan u jiray in ka ban 4km. Markuu qaraxa dhacay waxaan u qaatay dhawaqiisa inuu yahay guriga igu dheggan, markii la ii sheegay inuu isgoyska Zoppe yahay, waxaan gartay inaysan waxu caadi ahayn. Ilaa maanta aan booqdo isbitaalada iyo goobtii xasuuqa uu ka dhacay, waxaa xalay oo dhan isoo gaarayay farrimaha naxdinta leh oo marba qof dhintay la ii sheegayo. Waxaan wali maskaxdaydu qaadan la’dahay waxa uu ku salaysan yahay fikirka dhowr boqol oo qof oo kala duwan lagu gumaadayo.
Dadka la beegsaday qaarkood waxay ku jireen salaadda casar ee masjidka Hotel Safari sida Abuukar M daahiye, Cabdisalaan Subagle iyo nabadoon Bashiir (inta ay aqoonta dhaw naga dhaxaysay), qaarkood waxay lafagurayeen xisaabxirka ganacsigooda maadama lagu jiro bisha Muxaram (Zakada) si ay u bixiyaan Zakada, qaarkood waxay ahaayeen dhaqaatiir u degdegayo bukaan ku sugayay isbitaalada ku dheggan, qaarkood harqaamada ayeey ka qaadanayeen dharkii ay uga qaybgali lahaayeen xaflad jaamacadeed, qaarkood loos ayeey gadayeen, qaarkood gaadiidka dadweynaha ayeey saarnaayeen oo dhulakaba ma taagneeyn, ma tirin karo waxa qof kasta oo dhowrkaa boqol ka mid ah uu hayay amaba ku fikirayay saacaddaas, waxaanse hubaa inaanu qofna islahayn, waa lagu qarxinayaa oo waxaad u gubanaysaa sida geedaha dhuxusha laga shido. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, intii dhaawacantay Allaha caafiyo, intii hantidooda burburtayna Allaha baddal khayr qabo siiyo, inta qalbigooda wax gaareenna Allaha u kabo.
Markaan galabta ka mid goobahaas ayaa diblomaasi ajnabi ah ii tacsiyeeyay, waxuuna ii raaciyay: “ haddaanay tanoo kale horaan idiin kugu dhicin, waa maxay waxa idiin dhiman ee haddii la idinku sameeyo aad gacmaha isu qabsan doontaan si aad mushkiladahiinna xal ugu heshaan”.
Mahad gaar ah waxaa leh howlwadeennada caafimaadka, hay’adaha gurmadka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale dawladda Turkiga oo billowday gurmad caafimaad, iyadoo xalay isbtaalka Erdogan (Ex Digfeer) la dhigay in ka badan 200 oo dhaawac ah, caawana qaar loo duulinayo dalka Turkiga. Waxaa isoo jiitay sida shacabkeennu ugu deeqeen dhiiggooda. Waxaan hubaa inaan baajin karno dhiigga kuwii inaga dhimanaya amaba dhaawacmaya iyo dhiiggii aan ku deeqayno labadaba, haddaan si mug leh u fikirno.
Maanta waa murugo, talada waa inoo dambaysaa idam Alla.
Farah Sheikh Abdulkadir

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON