Tuesday, August 26, 2025

Xildhibaan Faarax C/qaadir oo ka hadlay doorashadii Farmaajo iyo Magacaabidda Ra’iisal Wasaare

Xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xilka loo doortay Maxamed C/llaahi Farmaajo ee madaxweynaha Soomaaliya.

Qoraal uu soo diray ayuu ku sheegay in Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo uu hogaankiisa u muujiyay dadka Soomaaliyeed xilligii uu ahaa soo qabtay xilka Ra’iisal wasaaraha, isla markaana Madaxweynenimadiisa uu dalkan ku hogaamin doono wado toosan.

Faarax C/qaadir oo ka mid ahaa saaxiibada madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale hambalyo u diray Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Wuxuu sheegay inuu Xasan Kheyre yahay nin kasoo shaqeeyay shaqooyin heer caalami iyo gudaha dalka, isagoo u rajeeyay inuu xilka loo magacaabay ku guuleysto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON