Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ololaha mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanaka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) uu gaarey heer culeys la saaro agaasimeyaashi iyo odayaashii dhaqanka.
Wuxuu weerar ku qaaday xukuumadda oo uu sheegay in Qaabka loo maamulayo dawladnaimadii dalka ay u eg tahay ciyaal banooni loo dhiibay, oo garsoore la’aan cayaaraya, wuxuuna siayasadda dalka ku tilmaamay :”Siyaasadda magafenimada”.
Xildhibaan Fiqi oo ka mida xubnaha sida weyn u taageersan Guddoomiye Jawaari ayaa yiri: “Waxyna mareysaa inta loo yeero agaasimayaashii qaarkood, odoyaashii dhaqanka qaarkood, danjirayaashii qaarkood, ganacsatada qaarkood iyo wasiiradii loogu hanjabo is-furta oo haddii aydnaaan keenin xildhibaankiina difaacaya badbaadinta barlamaanka waxa aad weynaysaan xilka aad heysaan ama qof qraabadiin ahi uu hayo…”.
Arrinan ayuu ku tilmaamay ianysan ka duwaneyn magafaha Liibya ee inta dadka tahriibiya xirto kadibna ciqaabo, isla markaana ka dalbada madaxfurasho lacageed, wuxuuna ku baaqay in habdhaqankaas gurracan la joojiyo oo dawladnimadeena iyo sharafkeeda wax loo hanbeeyo.