Goobjooge.com ayaa heshay liiska xildhibaanada saxiixay Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha ee guddoonka Baarlamaanku aqbalay oo ay ku saxiixan yihiin 93 xildhibaan, waxaana durbadiiba ka soo baxay inay ku jiraan xildhibaan qaarkood ay geeriyoodeen, halka qaar kalena ay muddo dheer xilka ka maqan yihiin.
Baaritaankii ugu horeeyay oo aanu ku sameynay liiska xildhibaanada saxiixay Mooshinka waxaa ka soo baxay arrimaha soo socda:
- Xildhibaanada ku saxiixan waxaa ka mida C/llaahi Xuseen Baantuu oo aakhirkii Bishii July lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan degmada Dharkeynley. (Akhri warka dilka xildhibaanka)
- Waxaa kaloo xildhibaanada saxiixay Mooshinka ka mida Jaamac Axmed Maxamed (Oday) oo ka isaguna in ka badan 5 bilood ka maqan Muqdisho, lana sheegay inuu isaga tegay xilka.
Dhowaan waxaa shir jara’id ku qabtay Muqdisho xildhibaanno sheegay in saxiixyadooda laga been abuurtay oo mooshinka hadda la keenay uu ahaa mid lix bilood ka hor la qoray, wax war ahna aanay u heynin, iyagoo dacwad arrintaas ku saabsan gaarsiiyay guddoonka Baarlamaanka.
Arrintan ayaa fursad u noqon karta taageerayaasha madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo guddoonka Baarlamaankana ay dhibaato ku tahay inay xaqiijiyaan xildhibaanada mooshinka saxiixay, arrintaas oo hadda u muuqata inay qasab noqoneyso in dib loogu noqdo mooshinka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]